Contact Info
WIC - Macluumaadka u-qalmitaanka
Other languages:
Am I Eligible for WIC? (English)
Información de Elegibilidad (Spanish)
Tsim nyog tau txais cov ntaub ntawv (Hmong)
Related topic: WIC Outreach Materials Order Form (ka dalbo qoraalkaan)
Adiga iyo cunugaaga - Caafimaadka iyo quudin fiican. WIC ayaa idinka ka caawin kara.
Ka qaybgalayaasha in barnaamijyadan waxay si toos ah u qalma...
- Barnaamijika gargaarka caafimaadka
- Barnaamijika gargaarka caafimaadka - TEFRA
- Kaalmada Cuntada
- Barnaamijika ee maalgashiga qoysaska reer Minnesota
- Ka cawinta tamarta
- Qadada dugsiga la dhimay ama bilaashaka ah
- Barnamijika Head Start
- Caawimo dhahkli bulsho oo dheeraad ah
Shuruudaha dakhliga
Heerarka Daqliga la'ogol yahay (5/11/2026)
TIRADA QOYSKA* | DAKHLIGA SANADKA SOO GALA |
|---|---|
1 | $29,526 |
2 | $40,034 |
3 | $50,542 |
4 | $61,050 |
5 | $71,558 |
6 | $82,066 |
7 | $92,574 |
8 | $103,082 |
9 | $113,590 |
*Haweeneyda uurka leh waxa loo tirinaya 2 qof.
Daqlig la'ogol yahay inaad ka qayb qaadatid Barnaamijyada Daryeelka Caafimaadka Minnesota (Minnesota Health Care/Insurance Affordability Programs) - Laga bilaabo luuliyo 1, 2026 - juunyo 30, 2027.
TIRADA QOYSKA* | DAKHLIGA SANADKA SOO GALA |
|---|---|
1 | $43,890 |
2 | $59,510 |
3 | $75,130 |
4 | $90,750 |
5 | $106,370 |
6 | $121,990 |
7 | $137,610 |
8 | $153,230 |
9 | $168,850 |
*Haweeneyda uurka leh waxa loo tirinaya 2 qof.
Waxaad u qalmi kartaa... Haddii aad uur leedahay, naas-nuujinta, ama haysato ilmo ka yar 5 sano jir, waxaan kugu dhiirinaynaa in aad ka codsan.
WIC waxa ay bixisaa...
- Wararka iyo talooyinka nafaqadda
- Kaalmaynta naas-nuujinta
- Cuntada caafimaadka leh sida geed-miroodka hadda la soo gooyay iyo qudaarta, qamadiga dhan, rootiga iyo tortilla, caanaha subaggu ku yar yahay iyo cuntada caruurta
- Shaqaale daryeel iyo kaalmaba leh
Waxa laga yaaba in aad u qalanto...
- Qoysas shaqaalaha oo badan ayaa u qalma
- Qoysaska ka qaybgala Barnaamijyada Daryeelka Caafimaadka Minnesota (Minnesota Health Care Program) way ka qayb geli karaan...WIC
- Loo ma baahna inaad tahay muwaadin Maraykan ah
Dib ha u dhigan...waxaan u joogna in aynu ku kaalmeeyno!
MAANTABA WAC BUKAAN SOCOD EEGTADA WIC EE KUUGU DHOW: 1-800-WIC-4030 or 1-800-942-4030